Saddexda Kooxood Ee Ganaaxyada Ugu Badan La Kulmi Doona Kooxihii European Super League Oo La Ogaaday.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaysa in Kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ay la kulmi doonaan ciqaab tii ugu xumeyd kadib markii ay ka qayb ahaayeen tartanka gooni u goosadka ee Super League.

Wargayska ayaa kashifay xaalada la xidhiidha tartanka Super League iyo waliba ganaaxyada uu maskaxda ku hayo madaxweynaha Xidhiidhka UEFA ee Aleksander Ceferin kaas oo dhawr jeer hanjabaad u diray kooxihii ka qaybta ahaa tartanka Super League.

Madaxweynaha UEFA ayaa wargayska Daily Mail u sheegay ganaaxyada ay la kulmi doonaan kooxihii ka qaybta ahaa tartanka iyada oo lagu qiimayn doono sidii ay ugu lugta lahaayeen aas-aaska tartanka.

Kooxaha Premier League oo ah kooxihii uga hor baxay tartanka ayaa la sheegayaa in ay la kulmi doonaan ciqaabta ama ganaaxa ugu yar marka loo bar-bar dhigo 6-da kooxood ee kale.

Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ayaa ah seddexda koox ee la filayo inay la kulmaan ciqaabta ugu daran, maadaama aysan wali si rasmi ah uga bixin Tartanka halka Atletico Madrid, Milan iyo Inter, uu jiri doono meel dhexe.

“Qof walba waa in loola xisaabtamaa si kala duwan,” ayuu yiri Madaxweynaha UEFA kadib markii wax laga waydiiyay ganaaxyada la filayo.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*