Saddexda Isbedel Ee Laga Yaabo In Uu Ole Gunnar Solskjaer Ku Sameeyo Shaxdiisa Kulanka Muhiimka Ah Ee Leicester

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa laga yaabaa inuu seddex isbedel ku sameeyo kooxdiisa ka hor kulanka muhiimka ah ee ay wajahayaan Leicester.

Man United waa in ay ka fogaato guuldaro ka soo gaadha kooxda Leicester City si ay u xaqiijistaan booskooda champions League xilli ciyaareedka dambe.

United ayaa haatan ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo la dhibco ah chelsea laakiin Red Devils ku horayso farqiga goolasha.

Kooxda ayaa 4 dhibcood ku hayn lahayd kaalinta 3-aad laakiin bar-barihii ay United la gashay West Ham ayaa ka hor istaagay arintaas.

Qaab ciyaareedkaas ayaana Solskjaer ku dhalin kara in uu is badal ku sameeyo kooxdiisa ka hor kulanka muhiimka ah ee ay la ciyaari doonaan Leicester City.

Booska ugu horeeya ee laga yaabo in uu badalo ayaa ah dhanka Goolka iyada oo uu De Gea qaab ciyaareed xun ku jiro kulamadii ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan.

Sergio Romero ayaa laga yaabaa in uu ku soo bilowdo kulan iyada oo uu Goolhayaha reer Argentine 11 kulan shabaqiisa ilaashada 15 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Badalka kale ayaa ah in uu ku bilaabo daafaca xiddiga Aaron Wan-Bissaka kaas oo kulamadii ugu dambeeyay booska u baneeyay xiddiga Timothy Fosu-Mensah laakiin soo bandhigay qaab ciyaareed xun kulankii ugu dambeeyay ee West Ham.

Booska ugu dambeeya ayaa ah khadka dhexe gaar ahaan xiddiga Paul Pogba kaas oo aan soo qaadan kulan fiican West Ham waliba sabab u noqday in rikoodhe lagu dhigo kooxda Mna United.

Solskjaer ayaa Pogba ku badali kara xiddiga Fred kaas oo qaab ciyaareed heer sare ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan intii uu dhaawaca ku maqnaa Paul Pogba.

Sii Akhriso: XASAASI: Somaliya Oo Ciidamo U Dirtay Dalka Liibiya Oo Uu Dagaalka Xoogan Ka Socdo & Hooyooyin Xaqiijiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*