Saddex ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda Chelsea FC ayaa seegi doona kulanka Axadda ee Premier League ay la ciyaarayaan Manchester City.
Chelsea ayaa la ciyaari doonta Manchester City kulan ka tirsan Premier League oo ka dhici doona garoonka Stamford Bridge dhammaadka toddobaadkan.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcihii ka hor ciyaarta, tababaraha Chelsea, Liam Rosenior, ayaa xaqiijiyay in ciyaartoyda kala ah Trevoh Chalobah, Levi Colwill iyo Reece James aysan ka qayb geli doonin kulanka ay la ciyaarayaan kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola, sababtoo ah weli waxay ka soo kabanayaan dhaawacyo.
“Trevoh (Chalobah) si adag ayuu u shaqeynayaa wuxuuna ku soo laabtay garoonka tababarka. Levi (Colwill) wuu tababaranayaa laakiin weli waxyaabo yar ayaa u harsan, halka Reece (James) uu maanta ordayay.
Midkoodna diyaar uma noqon doono kulanka Man City, laakiin si fiican ayay u shaqeynayaan,” ayuu yiri Rosenior.
Chelsea waxay kulankan imanayaan kadib markii ay ka adkaadeen Port Vale wareegga siddeed dhammaadka (quarter-final) ee FA Cup kulankoodii ugu dambeeyay.
Be the first to comment