Saddex Koox Oo Premier League Ah Oo Wadahadalo La Furay Barcelona Si Ay U Helaan Daafaca Samuel Umtiti & Barcelona Oo U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Uga Samri Karto Xiddiga Reer France.

Kooxaha Arsenal, Chelsea & Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay dhamaantood wadahadalo Rasmi ah la fureen kooxda Barcelona kuwaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Samuel Umtiti.

Warka ayaa intaas ku daraya in ay Barcelona 3-da kooxood ee reer England u sheegtay in ay xiddiga ku heli karaan lacag dhan 50 milyan oo euro xagaaga.

Wargayska Diario Sport ayaa sheegaya in ay kooxaha reer England doonayaan daafaca dhexe kaas oo aan ku jirin qorshaha kooxda Barcelona ee xilli ciyaareedka dambe.

Mikel Arteta ayaa Umtiti u doonaya in uu xilli ciyaareedka dambe ka garab ciyaarsiiyo xiddiga haatan Amaahda uga maqan ee William Saliba kaas oo xagaaga ku soo laaban doona kooxda.

Dhanka kale Chelsea aya doonaysa in ay xiddiga reer France ku xoojiso daafaceeda xilli ciyaareedka dambe xilli uu Lampard si xoogan u gali doono suuqa.

Advertisements

Ugu dambayn Man United ayaa Umtiti xiiso u qabtay ilaa xagaagii hore waxana ay doonayaan in ay ka garab ciyaarsiiyaan xiddiga Harry Maguire xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*