SADDEX Heshiis Oo Sabab U Noqon Kara In Uu Philippe Coutinho Ku Biiro Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay in ay kaliya 9 milyan kula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho iyada oo uu ka qayb ahaan doono heshiiska xiddiga khadka dhexe ee Matteo Guendouzi.

Heshiiska ayaa imanaya kadib markii ay Gunners noqotay dookha ugu suurtagalsan ee xiddiga kooxda Barcelona.

Laakiin waxa loo baahanyahay marka hore in ay kulmaan dhawr arin si uu Coutinho ugu biiro kooxda Emirates ku ciyaarta.

Wargayska The Independent ayaa sheegaya in 3 heshiis oo kala duwan in ay sabab u noqon karaan in uu Coutinho ku biiro kooxda Arsenal.

Midka ugu horeeya ayaa ah xiddiga Matteo Guendouzi kaas oo ay tahay in uu ku biiro kooxda Barcelona.

Midka xiga ayaa ah in ay Arsenal si toos ah ula wareegto xiddiga khadka dhexe ee Dani Ceballos kaas oo haatan kooxda Amaah ugu jooga.

Midka ugu dambeeya ee 3-aad ayaa ah in uu Pierre-Emerick Aubameyang isaga tago kooxda Arsenal si ay kooxdu lacagtiisa ugu dhaqaaqdo saxiixa Coutinho kuna xaliso weerarka.

Arimhaas oo dhan ayaa sabab u noqon kara in ay uu Philippe Coutinho xilli ciyaareedka dambe ka ciyaaro Emirates Staduim xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*