Sababtii Uu Pep Guardiola U Diiday In Uu Lionel Messi La Soo Saxiixdo Oo La Kashifay.

Inkasta oo uu Pep Guardiola shaki la, aan jeclaan lahaa in uu Lionel Messi ka hoos shaqeeyo amarkiisa mar kale Manchester City, aabaha tababaraha ayaa sheegay in uuna wiilkiisu doonayn in uu dhaawoco kooxda Barcelona hadii uu la wareego Lionel Messi.

Heshiiska Lionel Messi ee Barcelona ayaa dhici dooa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa xilli kooxda Man City ee uu hogaamiyo Pep Guardiola lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga.

“Ma jiro koox aan doonayn saxiixa Lionel Messi”ayuu Valenti Guardiola yidhi.

“Waxa aan arkay isaga oo 12 ama 13 sano jiro oo ciyaaraya, waan la yaabay”.

“Waxa uu ku jiraa heer aan caadi ahayn, waxa jira xiddigo aad u yar oo Messi oo kale ah waxana aan hubaa in Guardiola jeclaan lahaa in uu Messi ku haysto Barcelona sababta oo ah waxa uu mar walba u ahaa midka ugu fiican laakiin Pep Guardiola marna ma doonayn in uu dhaawoco Barcelona kana afduubto Messi”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Raali Gelin Ah, U Dir Gacalisadaada, Shaki La’aan Way Ku Cafin Doontaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*