Sababtii Man United Ugu Seegtay Saxiixa Dayot Upamecano Oo La Ogaaday.

Manchester United ayaa qarka u saarneyd inay lasoo saxiixato Dayot Upamecano shan sano ka hor, laakiin waxaa lagu soo waramayaa inay u seegtay daafaca sababo la xiriira muran ku saabsan kaliya 200 kun ginni.

Upamecano ayaa RB Leipzig ugu biiray 9 milyan oo euro sanadkii 2017 waxana uu noqday daafacyada dhexe ee loogu doon doonista badan yahay Yurub.

Real Madrid, Arsenal, Liverpool iyo Manchester United ayaa ka mid ahaa kooxaha doonayay saxiixa xiddiga reer france intii uu furnaa suuqii xagaaga.

Inkasta oo uu jiro 21 sano Upamecano ayaa hadana saftay 118 kulan intii uu joogay kooxda Leipzig Waxana la rumaysanyahay in xiddiga lagu qiimeeyo 55 milyan oo euro.

Laakiin xiddiga ayaa haatan ahaan lahaa xiddig Man United ah hadii ay Man United heli lahayd saxiixiisa sanadkii 2015.

Markii uu jiray 16 sano Upamecano iyo Hooyadiis ayaa yimid Old Trafford si ay uu xiddigu u dhamaystiro ku biiristiisa Red Devils.

Laakiin heshiiska ayaa bur-buray kadib markii ay Man United diiday in ay 200 kun oo Gini ku darto dalab 500 oo Gini ah oo ay ka gudbisay xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*