Sababtii Dhabta Ahayd Ee Arsenal Sida Lama Filaanka Ah Ugu Dhaqaaqday Saxiixa David Luiz Oo La Ogaaday

Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah ula saxiixatay xiddigii hore ee kooxda chelsea David Luiz maalintii ugu dambaysay ee suuqa kala iibsiga kadib markii ay Chelsea kala heshiisay lacag dhan 8 milyan oo euro.

Kooxda Arseanl ayaa la sheegayaa in sababtii ay ugu dhaqaaqday saxiixa David Luiz tahay in ay ku fashilantay in ay Kooxda Juventus kala heshiiso saxiixa daacfaca Daniele Rugani.

Tababaraha Gunners ee Unai Emery ayaa lala xidhiidhinayay daafaca reer Italy muddo todobaadyado ah isaga oo doonayay in uu ku helo heshiis amaah ah 25 jirka.

Laakiin Arsenal ayaa ugu dambayn u dhaqaaqday saxiixa David Luiz kaas oo ay kaliya ku heshay 8 milyan oo euro.

Wargayska Tuttosport ayaa haatan sheegaya in ay Arsenal ku dhibaatootayin ay Rugani keento England maadama ayna Gunners diyaar u ahayn in ay ogolaato in ay si toos ah ula wareegto xagaaga dambe.

Advertisements

Waxana ay ku heli lahayd lacag dhan 28 milyan oo euro hadii ay si toos ah ula wareegto inkasta oo ay dhawr shardi oo kala duwan ku xidhnaa heshiiska.

Laakiin Gunners ayaa ugu dambayn dareenkeeda u jeedisay saxiixa David Luiz oo ay 4 milyan kula wareegeen haatan 4 milyan oo kalena bixin doonaan xagaaga dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*