Sababtii Ay Man United Ugu Dhaqaaqi Wayday Saxiixa Bruno Fernandes Oo La Ogaaday? Waa Sabab La Yaab Leh.

Kooxda Man United ayaa muddo dheer gaar ahaan xagaagii oo dhan lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ay Man United doonaysay in ay ku xoojiso kooxdeeda inta lagu jiray xagaagan.

Laakiin Indha-indheeyayaasha Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Maamulka Man United uga digeen in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga reer Portugal inta lagu jiray suuqii xagaagan.

Indha-indheeyayaasha Man United ayaa la sheegayaa in ay ka wal-walsanaayeen awooda xiddiga 24 jirka ah ee reer Portugal sida ay sheegayaan wararku.

Bruno Fernandes ayaa dhaliyay 33 gool sidoo kale 18 caawiye ka noqday xilii ciyaareedkii hore sidoo kale kooxdiisa ka caawiyay in ay ku guulaysato koobka Portugal super Cup.

Xiddiga khadka dhexe ayaa sidoo kale xulka Portugal ku hogaamiyay koobka UEFA National Legaue bilowgii xagaagan.

Advertisements

Wargayska Dail Mail ayaa sheegaya in ay indha-indheeyayaasha Man United ayaa ka wal-walsanaa in uuna xiddigu ku soo bixi doonin shaxda tababare Ole Gunner Solskjaer.

Wararka ayaa sheegaya in ay indha-indheeyayaasha Man United ka wal-walsanaayeen go,aan qaadashada xiddiga iyo kubad samaynta iyo waliba in in uu kubada marar badan luminayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*