Sababtii Ay Man United U Seegtay Saxiixa Christian Pulisic Oo La Ogaaday.

Falanqeeyihii hore ee kooxda kooxda Manchester United ee Jorge Alvial ayaa shaaca ka qaaday in Red Devils iska diiday taladiisii ahayd in ay la soo saxiixdaan xiddiga Christian Pulisic ka hor intii aysan Chelsea u dhaqaaqin saxiixa xiddiga reer America.

Pulisic ayaa ku biiray kooxda Borussia Dortmund markii uu jiray da’da 16-sano jirka sanadkii 2015-kii waxana uu saftay kulankiisii ​​ugu horreeyay ee kooxda koowaad hal sano kadib markii uu wacdaro ka dhigay kooxaha da ’yarta.

Chelsea ayaa saxiixa xiddiga ku garaacday kooxaha Liverpool iyo Arsenal iyaga oo 58 milyan oo euro ku dhamaystiray saxiixiisa snaadkii hore xilli 21 jirku saamayn weyn ku yeeshay Blues xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee chelsea isagoo dhaliyay 10 gool 10 kalena caawiye ka noqday 33 kulan oo uu saftay.

Laakiin Avial oo ahaa indha-indheeyaha Man United muddo 3 sano ah ka hor intii uuna ka tagin kooxda sanadkii 2018 ayaa sheegay in uu u sheegay United in ay la soo saxiixato xiddiga Pulisic ka hor intii ayna kooxda chelsea u dhaqaaqin saxiixiisa.

“Markii aan bilaabay shaqada Man United waxa aan markiiba kooxda kula taliyay in ay u dhaqaaqaan saxiixa Pulisic sababta oo ah waxa aan u garanayay si fiican”ayuu u sheegay Manchester Evening News.

“Waxa aan u garanayay si fiican waxana uu samaynayay horumar waxana uu sii wadayay horumarka sababta oo ah xiddig fiican ayuu ahaa”.

“Laakiin Man United ayaa iska indha tirtay taladii aan siiyay ee ahayd in ay u dhaqaaqaan saxiixa Pulisic, kadib waxa u dhaqaaqday Chelsea”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Sii Akhriso: WARBIXIN: 5 Qof Oo Ugu Cad-cad In Ay Noqdaan Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*