Sababtii Ay Liverpool Labada Daafac Ula Soo Saxiixatay Maalintii Ugu Dambaysay Suuqa January Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa mashquul xad dhaaf ah ahayd maalintii ugu dambaysay ee suuqa January iyada oo hal mar wadahadalo la furtay ugu yaraan 6 ilaa 8 kooxood oo ay daafacyo cusub ka doonayeen in ay ula saxiixyaan.

Kooxda Liverpool ayaa 48 saac ee ugu dambeeyay suuqa lala xidhiidhinayay daafacyada Diop, Bremer, Mustafi, Long, Duje Caleta-Car, David Carmo, Ozan Kabak iyo waliba Ben Davies.

Liverpool ayaa marba koox dalab ka gudbinaysay marka ay koox kale dalabka ka diido si ay ugu yaraan u hesho laba ama 3 daafac ka hor inta uuna suuqu xidhmin.

Laakiin Liverpool ayaa ugu dambayn heshay laba daafac oo cusub kuwaas oo kala ah Ben Davies iyo Ozan Kabka kuwaas oo Liverpool ku biiray maalintii ugu dambaysay.

Kadib markii uu suuqu xidhmay kooxduna ku dhawaaqday labada saxiix ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in dhaawacii soo gaadhay Joel Matip yahay mid halis ah waliba garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed labadii saxiix ee ay Liverpool la soo saxiixatay iyo daafacyadii badnaa ee lala xidhiidhinayay waxa sabab u ahayd in uu Joel Matip garoomada ka maqnaan doono muddo aad u dheer.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*