Sababta Uu Ousmane Dembele U Doonayo In Uu Sii Joogo Barcelona Oo La Ogaaday.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu iska sii joogo kooxda Barcelona.

Heshiiska Ousmane Dembele ee Barcelona ayaa dhacay laakiin xiddiga ayaan wali heshiis cusub u saxiixin kooxda ka ciyaarta Catalonia.

Sida laga soo xigtay beIN Sports, Dembela ayaa doonaya in uu sii joogo Barcelona sabab la xidhiidha in uu dareensanyahay in tababaraha kooxda ee Xavi jecelyahay.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa maamulka kooxdiisa mar kale u sheegay in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga reer France.

Dembele ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ay ka mid yihiin chelsea iyo PSG laakiin xiddiga ayaan wali ku biirin koox kale.

Kooxda Barcelona ayaa la filayaa in ay heshiis cusub miiska u saarto xiddiga Dembele hadii uu diyaar u yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*