Sababta Uu Neymar Go’aankiisa U Badalay Una Go’aansaday In Uu Sii Joogo PSG Oo La Ogaaday.

Kubada cagta ayaa ah mid ay wax walba is badali karaan, Neymar ayaana ku dhaw in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG kadib markii uu go’aansaday in uu sii joogo kooxda.

Neymar ayaa dhamaystirtay 4 sano oo uu joogay kooxda PSG inkasta oo uu aad ugu dhawaaday in uu ku laabto kooxda Barcelona.

Sababta ugu horaysa ee uu 28 jirku u doortay in uu sii joogo kooxda PSG ayaa ah in uu dareensanyahay in uu muhiim ka yahay mashruuca kooxda PSG.

Sababta kale ayaa ah in uu xidhiidh fiican la leeyahay agaasimaha kooxda PSG ee Leonardo kaas oo ku qanciyay in uu sii joogo kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Hadii Uu Ninku Kuu Sameeyo 6-dan Arin Ha Sii Dayn, Waa Kii Nolosha Kula Wadaagi Lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*