Sababta Uu Marc Guiu U Go’aansaday In Uu Isaga Tago Barcelona Uguna Biiro Chelsea Oo La Ogaaday.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa sheegay in ay jirto wax ka badan hal sabab oo uu da’yarka Marc Guiu Ku diiday heshiiska cusub ee Barcelona isla markaas ku doortay Chelsea.

Wargayska ayaa sheegay in uu Marc Guiu go’aansaday n u isaga tago Barcelona kadib markii Ay Blues ogolaatay in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Kooxda Chelsea ayaa diyaarinaysa in ay ka dhigto Marc Guiu saxiixyadeeda cusub ee suuqa kala iibsiga.

Wargayska ayaa sharaxay in ay jiraan wax ka badan hal sabab oo uu Marc Guiu uga tagayo Barcelona taas oo ay ugu muhiimsantahay in dalabka Chelsea uu ahaa mid aad uga wanaagsan kan Barcelona.

Sidoo kale xiddiga ayaa dareensan in anu boos ka heli doonin Barcelona sabab la xidhiidha xiddiga Robert Lewandowski iyo sidoo kale da’yarka Brazil Vitor Roque.

Wargayska ayaa intaa ku daray in Marc Guiu aanu wali kooxda ku wargalin go’aankiisa laakiin uu samayn doono marka uu dhamaystiro heshiiska uu la galay kooxda chelsea.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga