Sababta Uu Eden Hazard Ugu Dhibaatoonayo Real Madrid Oo La Sharaxay.

tababarihii hore ee Real Madrid iyo England ee Fabio Capello ayaa sharaxay sababta Eden Hazard uu ugu dhibtoonayo Bernabeu xilli ciyaareedkan.

Eden Hazard ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka isaga oo wacdaro ka dhigay chelea 7 sano oo uu joogay Chelsea kooxdana u dhaliyay wax ka badan 100 gool oo premier League ah isaga oo kooxda kula guulaystay koobab.

Xiddiga reer Belguim ayaa xagaagii hore 100 milyan oo euro ugu biiray kooxda Real Madrid waxana uu xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay kula guulaystay horyaalka La Liga laakiin waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u xun.

Hazard ayaa kaliya dhaliyay hal gool xilli ciyaareedkan Capello ayaana rumaysan in uu ku dhibaatooday sabab la xidhiidha culayskii Real Madrid kadib markii uu ka tagay chelsea.

“Kulamo badna muu ciyaarin waxana soo gaadhay dhaawac walina lama qabsan kooxda”.

“Mar walba waxa aan aaminsanahay in uu yahay xiddig weyn laakiin Maaliyada Real Madrid ayaa leh culays gaar ah Hazard-na kuu ku qarqoomay sanadkan”.

“Waxa iska cad in uu fiicnaan doono sanadka dambe”.

Sii Akhriso: Dalka Maraykanka Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiis Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*