
Daaficii hore ee Arsenal iyo Tottenham Hotspur William Gallas ayaa sheegay Sababta Uu Eberechi Eze u Doortay Arsenal una diiday kooxda Tottenham.
Laacibka khadka dhexe ee Crystal Palace ayaa go’aansaday inuu iska diido Tottenham kana doorto Arsenal oo uu haatan qarka u saarayahay.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis shaqsi ah la gaaray Tottenham ka hor inta uusan go’aansan inuu ku biiro Arsenal.
Arsenal ayaa heshiis 67.5 milyan ginni ah la gaartay Crystal Palace habeenkii Arbacada saxiixa Eze, waxaana ciyaaryahanka la filayaa inuu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Premier League ee Waqooyiga London saacadaha soo socda.
Gallas ayaa sheegay in Eze uu diiday Tottenham kana Doortay Arsenal sabab la xidhiidha in uu doonayo in uu koobab ku guulaysto.
Gallas wuxuu yiri: “Haddii aad tahay Eze, ma rabto inaad ka tagto Crystal Palace, halkaas oo aad ahayd ninka ugu weyn, si aad ugu dhaqaaqdo mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn haddii aadan wax badan u ciyaarin”
“Ma rabto inaad ku biirto naadi oo aad ka niyad jabto daqiiqadahaaga.
“Eze wuxuu isku dayi doonaa inuu naftiisa u helo xalka ugu fiican, xitaa haddii Spurs ay ku guuleysato Europa League sannadkii hore, waxaad u badan tahay inaad haysato fursado badan oo aad wax ugu guuleysan karto Arsenal sanadaha soo socda.”
Be the first to comment