Sababta uu Antonio Rudiger Isaga Diiday Ku Biirista Tottenham Oo La Ogaaday.

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in ay chesea diyaar u ahayd in ay xiddiga Antonio Rudiger u ogolaato in uu ku biiro kooxda Tottenham suuqii xagaaga laakiin xiddiga ayaa iska diiday arintaas.

Xiddiga reer Germany ayaan si joogto ah ugu ciyaarin Chelsea tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan isaga oo booskiisa u waayay xiddiga Thiago Silva isaga oo kaliya ciyaaray hal kulan oo champions League iyo hal kulan oo Premier League.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu xiddigu iska diiday in uu ku biiro kooxda Tottenham sabab la xidhiidha jacaylka uu u qabo kooxda cheslea.

Rudiger ayaa iska diiday in uu ku biiro mid ka mid ah kooxaha sida weyn ula xafiiltama kooxda chelsea sidaas darteed waxa uu iska joogay kooxda Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*