Sababta La Yaabka Leh Ee Ay Barcelona Isaga Diiday Saxiixa Cristiano Ronaldo Oo La Kashifay

Musharaxa Madaxtinimo Ee Kooxda Barcelona Joan Laporta horayna madaxweyne ugu soo ahaa kooxda Barcelona ayaa sheegay sababtii ay kooxda Barcelona isaga diiday saxiixa Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed fiican sanadihii uu ciyaarayay.

Waxa suurtagal ahayd in uu Cristiano Ronaldo ka garab ciyaari lahaa xididga Lionel Messi hadii ayna kooxda Barcelona iska diidin saxiixa xiddiga.

Barcelona ayaa xagaagii 2003 iska diiday in ay lacag 15 milyan ah kula wareegto xiddiga markii uu joogay kooxda Sporting Lisbon.

Joan Laporta ayaa sheegay in kooxda Barcelona loo soo bandhigay saxiixa Cristiano Ronaldo laakiin ay kooxdu iska diiday saxiixiisa.

Joan Laporta oo la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi”Cristiano Ronaldo waxa uu ka ciyaari jiray garabka weerarka marka loo eego weerarka tooska ah”.

“Markii la joogay wakhtigaas waxa aan isaga diidnay saxiixiisa sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa, arintaasna waan ka shalaynayaa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*