Sababta Ka Dambaysa Qaab Ciyaareedka Cajiibka Ah Ee Mohamed Salah & Sadio Mane Ee Xilli Ciyaareedkan Oo La Kashifay.

Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa aaminsan in labada xiddig ee Liverpool Mohamed Salah iyo Sadio Mane ay horumariyeen xiriirkooda garoonka dhexdiisa, taasoo gacan ka geysatay inay si fiican ugu bilowdaan xilli ciyaareedka.

Labada xiddig ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan iyada oo labada xiddig dhexdooda dhaliyeen 13 gool tartamada oo dhan.

“Mohamed Salah iyo Sadio Mane waxay leeyihiin xiriir xoog badan xilli ciyaareedkan, taas waa waxa keentay in ay Liverpool ka fiicnaato kooxaha kale”ayuu u sheegay Liverpool Echo.

Wuxuu intaas ku daray: “Mohamed Salah wuxuu u sameeyay Mane goolkii ugu horreeyay ee Liverpool ay ka dhaliso Manchester City, dabbaaldegga dhexdooda ayaana ahaa mid xooggan, wuxuuna xaqiijinayaa in xiriirka uu yahay mid cajiib ah”.

“Wakhti dhawaa waxa jirtay su’aal laga keenay xidhiidhka iyo is fahamka Mane iyo Salah laakiin haatan waxa ka dhexeeya xidhiidh fiican”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*