Sababta Georginio Wijnaldum U Diidanyahay In Uu heshiis Cusub U Saxiixa Liverpool Oo La Ogaaday.

Wargayska The Athletic ayaa shaaca ka qaaday sababta uu Xiddiga Georginio Wijnaldum u diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Liverpool.

Heshiiska Georginio Wijnaldum ayaa dhamaan doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu si xor ah ugu biiri karaa kox kasta oo uu doonayo xagaaga.

Wargayska ayaa sheegaya in sabab la xidhiidha mushaharka ay kooxdu u soo bandhigtay in uu Georginio Wijnaldum diidan yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Liverpool.

Georginio Wijnaldum oo isku arka xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Liverpool ayaa doonaya in uu ka mid noqdo xiddigaha ugu mushaharka badan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumark: Gabadhey Gacaliyahaagu Hadii Uuna 3-dan Tayo Lahayn Isgaa Fogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*