Sababta Eden Hazard Looga Saaray Liiska Xiddigaha Real Madrid Ee Kulanka Getafe Oo La Ogaaday.

Idaxda Cadena COPE ayaa shaaca ka qaaday sababta uu Tababare Zinedine Zidane Liiska xiddigaha Real Madrid ee Kulanka Getafe uga reebay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Eden Hazard.

Zidane ayaa shalay soo saaray Liiska 24-ka xiddig ee uu caawa kaga hor tagi doono kooxda Getafe kulan ka tirsan horyaalka La liag waxana laga dhex waayay xiddiga Eden Hazard.

Idaacada Cadena COPE ayaa sheegtay in uuna xiddiga reer Belguim wax dhaawac ah qabin laakiin tababare Zidane go’aansaday in uu nasiyo xiddiga.

Tababare Zidane ayaa qirtay in uu doonayo in uu si gaar ah ula dhaqmo xiddiga reer Belguim maadama uuna wali si buuxda 100% taam u ahayn kadib markii uu ka soo kacay dhaawac.

Hazard ayaa dhaawacyo la dhibaatooday xilli ciyaareedkan isaga oo aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay markii uu joogay Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*