Sababta Chelsea Aysan U Hanan Hoonin hHoryaalka – Maresca

Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa sheegay in kooxdiisu aysan ku guuleysan doonin Horyaalka Premier League haddii aysan helin joogteyn dhinaca qaab Ciyaareerdkooda ah.

Maresca ayaa arrintan ka sheegay isagoo la hadlayay warbaahinta ka hor kulankan ay toddobaadkan la ciyaarayaan Aston Villa.

Chelsea ayaa ciyaarta galaya iyagoo todobo dhibcood ka dambeeya kooxda Unai Emery, oo haatan ku jirta kaalinta saddexaad ee kala sarreynta.

Chelsea ma aysan helin dhibco ku filan marka ay la ciyaarayaan kooxaha yaryar, taasoo ka dhigtay in natiijooyinkooda wanaagsan ee ay ka gaaraan kooxaha waaweyn ay noqdaan kuwo qiimo yar leh.

“Malaha hadda waa sax, sababta aanan ugu dhoweyn hoggaanka waqtigan waa inaan u baahanahay inaan noqono kuwo ka sii joogto badan marka aan la ciyaareyno noocyo kala duwan oo kooxo ah,” ayuu Maresca u sheegay Sky Sports.

“Haddii aad rabto inaad halkaas gaarto dhammaadka xilli-ciyaareedka, waa inaad noqotaa mid joogto ah; haddii kale, waad ku dhibtoon doontaa.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga