Sababta Ayna Barcelona Shaqada Uga Caydhin Ronald Koeman Kadib Guuldaradii Atletico Madrid Oo La Ogaaday.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa u muuqda mid sii joogi doona kooxda Barcelona inkasta oo laga badiyay kulankii Atletico Madrid ee horyaalka La Liga.

Mustaqbalka tababaraha ee Barcelona ayuu shaki ku jiray todobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

Waxa si weyn loo filayay in ay Barcelona shaqada ka caydhiso tababaraha kadib kulankii Atletico Madrid laakiin arintaas ayaan dhicin waxana uu tababaruhu sii joogi doonaa kooxda.

Wargayska MARCA ayaa sheegay in ay jirto laba sabab oo ka dambaysa in aanay Barcelona shaqada ka caydhin tababaraha kadib guuldaradii Atletico Madrid ee horyaalka La Liga.

Sababta ugu horaysa ayaa ah ina kooxdu helin ama ayna haysan haatan badalka tababaraha ee macquulka ah halka ay sababta 2-aad tahay in uu Joan Laporta aaminsanyahay in qaab ciyaareedka kooxdu is badalid doono marka ay kooxda u soo laabtaan xiddigaha dhaawacan.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*