Sababta Ayna Arsenal Ugu Dhaqaaqi Doonin Saxiixa Antoine Semenyo Oo La Sharaxay.

Ku dhowaad dhammaan kooxaha waaweyn ee Premier League-ga ayaa doonaya inay ka faa’iidaystaan lacagta lagu bur-burin karo heshiiska Antoine Semenyo oo dhan 65 milyan oo euro.

Arsenal si gaar ah uguma jiraan tartanka, inkastoo Semenyo uu sannadkii hore xaqiijiyay inuu ku soo barbaaray taageeraha Arsenal.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu sheegay David Ornstein, Gunners-ku ma dareemayaan degdeg ku aaddan xoojinta booskan ilaa xilli-ciyaareedka dambe.

“Waxan u malaynayaa in ay Arsenal eegtay xaalada isla markaas ay go’aamisay in ay sugto ilaa xagaaga dambe laakiin Semenyo ma sugi doono ilaa wakhtigaas”ayuu Ornstein u sheegay NBC Sports.

Chelsea ayaa ah kooxda ugu dambeysa ee tallaabo qaadda si ay u hesho Semenyo, iyadoo Man United, Man City iyo Liverpool ay sidoo kale danaynayaan ciyaaryahanka 25-jirkan ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga