Sababaha Barcelona Ugu Kalsoontahay In Ay Atletico Madrid Ku Garaaci Karto Atletico Madrid.

Kooxda Barcelona ayaa haatan ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka La Liga kadib markii ay Sevilla garaacday Atletico Madrid kulan ka dhacay garoonka Estadio Ramon Sanchez Pizjuan.

Guuldaradii Sevilla ayaa la macno ah in ay Atletico Madrid leedahay 66 dhibcood iyaga oo 4 dhibcood ka horeeya kooxda Barcelona oo caawa ciyaari doonta kulankooda todobaadkan horyaalka.

Wargayska MARCA ayaa sheegay in ay jirto sababo ay Barcelona u aaminsantahay in ay xilli ciyaareedkan ku guulaysan karto horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Sababta ugu horaysa ayaa ah badalka Ronald Koeman ee shaxdiisa isaga oo ku ciyaara 3 daafac bilihii ugu dambeeay taas oo si weyn ugu faa’iidaysay kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyay.

Sababta kale ayaa ah qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ay ku jiraan xiddigaha Frenkie de Jong & Ousmane Dembele kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay guulihii Barcelona ee kulamadii ugu dambeeyay.

Sababta kale ayaa ah qaab ciyaareedka xiddiga 1-aad ee Lionel Messi kaas oo dib u helay qaab ciyaareedkisii fiicnaa waliba kooxdiisa lugtiisa ugu hogaamiyay guulo kulamadii ugu dambeeyay.

Sababta ugu dambaysa ayaa ah qaab ciyaareedka xiddigaha Pedri Iyo Sergino Dest kuwaas oo dhankooda ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waliba kooxda si weyn u caawiyay kulamadii ugu dambeeyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*