SAADAALIN: Kooxaha Kaalinta 1-aad & Kaalinta 2-aad Kaga Soo Bixi Doona Wareega Group-yada Champions League Oo La Saadaaliyay.

Waxa maanta si Rasmi ah u bilaaban doona Wareega Group-yada tartanka champions league iyada oo kooxuhu bilaabi doonaan u dagaalanka koobka ugu tunka weyn kooxaha qaarada yurub.

ka hor bilaabashada tartanka UEFA ayaa bogeeda champions League taageerayaasha ku waydiisay in ay u codeeyaan kooxaha ay u arkaan in ay ku dhamaysan doonaan kaalinta 1-aad ee Group-kooda iyo kooxaha u gudbi doona wareega 16-ka tartanka.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa u codeeyay Kooxaha kaalinta 1-aad kaga soo bixi doona wareega Group-yada tartanka champions league iyo kooxaha kaga soo bixi doona kaalinta 2-aad ee u gudbi doona wareega Xiga.

GROUP A:

Taageerayaasha kubada cagta ayaa 59.9% kooxda PSG ugu codeeyay in ay Group-ka kaga soo bixi doonaan kaalinta 1-aad iyaga oo kooxda Man City u codeeyay in ay 33.4% ugu soo bixi doonto kaalinta 2-aad ee Group-ka.

Group B:

Group-kan ayaa ka mid ah Group-yada ugu adag iyo waliba kuwa sida weyn loo sugayo kulamadooda maadama ay isaga hor iman doonaan kooxaha Atletico Madrid, Liverpool iyo Ac Milan halka ay Porto soo raacdo.

Taageerayaasha ayaa kooxda Liverpool 58.2% ugu codeeyay in ay kaalinta 1-aad kaga soo bixi doonto Group-yada halka ay Atletico Madrid 27.4% ugu codeeyeen kaalinta 2-aad.

Group C:

Taageerayaasha ayaa kooxda Borussia Dortmund ugu codeeyay 57.1% in ay ku dhamaysan doonto kaalinta 1-ad halka ay kooxda Besiktas ugu codeeyeen 30.6% in ay ku soo bixi doonto kaalinta 2-aad.

Group D:

Group-ka 3 ka mid ah waxa ay isku Group ahaayeen champions League xilli ciyaareedkii hore waxana ay Teegeerayaashu 65.5% Real Madrid ugu codeeyeen in ay ku soo bixi doonto kaalinta 1-aad halka ay 27.4% Inter Milan ugu codeeyeen kaalinta 2-aad.

Group E:

Group-kan ayaa sidoo kale lagu tiriyaa Group-yada ugu adag marka loo eego in ay isaga hor iman doonaan kooxaha tunka weyn ee Barcelona iyo Bayern Munich, waxana 76.1% taageerayaashu Bayern ugu codeeyeen in ay ku soo baxdo kaalinta 1-aad halka ay 18.1% Barcelona ugu codeeyeen kaalinta 2-aad.

Group F:

Man United ayaa ah kooxda ugu nasiibka badan wareega Group-yada marka loo eego in ay ku aaday Group-ka ugu fudud waxana ay taageerayaashu 69.6% Red Devils ugu codeeyeen in ay kaalinta 1-aad kaga soo bixi doonto halka ay Villarreal ugu codeeyeen 15.6% kaalinta 2-aad.

Group G:

Kooxda Sevilla ayaa heshay 73.3% cod dhan in ay kaga soo bixi doonto kaalinta 1-aad halka ay kooxda Lille heshay 14.9% in ay ku soo bixi doonto kaalinta 2-aad.

Group H:

Group-kan ayaa sidoo kale ka mid ah Group-yada adag ee ay laba koox oo waaweyn fooda is dari doonaan waxana ay taageerayaasho 74.7% u saadaaliyeen in ay kooxda difaacanaysa ee chelsea kaga soo baxdo Group-ka kaalinta 1-aad halka ay kooxda Juventus heshay 21%.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*