Saacado Ka Hor Kulanka North London Derby, Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Arsenal Vs Tottenham Oo La Soo Saaray.

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham aya isaga hor iman doona kulan adag oo ka tirsan premier League labada kooxoodna isha ku hayaan in ay guul ka gaadhaan.

Kulanka u dhexeeya labada kooxood ayaa ah midkii ugu adkaa sanadihii ugu dambeeyay sabab la xidiidha in ay ku tartamayaan kaalmaha loogu soo boxo champions Leageu xilli ciyaareedka dambe.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo heer caalami ah isla markaas ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kana mid ah xiddigaha ugu fiican premier League.

Saacado ka hor kulanka adag ee ka dhexeeya Tottenham iyo Arsenal waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyada oo adeegsanayo xiddigaha labada kooxood ee qaab ciyaareedka fiican ku jira.

Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig halka ay kooxda Tottenham ku leedahay shaxda isku dhafka ah 5 xiddig.

Image