SAAADAALIN:Liverpool Vs Real Madrd, PSG Vs Man City & Saadaalinta Kooxda.Com Ee 8 Dhamaadka Champions League

Waxa aynu haatan sugno ayaa ah in aan ogaano sida ay kooxaha isugu hadhay 8 dhamaadka champions League u wada ciyaari doonaan wareega xiga ee tartanka.

Waxa si Rasmi ah u soo afjarmay wareega 16-ka champions League iyad aoo ay 8 kooxood isugu soo hadheen wareega xiga ee tartanka champions league.

Waxa la filayaa in ay isku soo aadaan kooxo waaweyn waxana la filayaa in la daawado kulamo xiiso iyo xamaasad leh kulamada 8 dhamaadka champions League.

Hadaba ka hor isku aadka wareega 8 dhamaadka champions league shaqaalaha kooxda.com ayaa sameeyay saadaashooda ku aadan isku aadka wareega 8 dhamaadka iyo sida ay kooxuhu isugu aadi doonaan.

Osman Fantastic:

Borussua Dortmund Vs Liverpool

Man City Vs Porto

Chelsea Vs Bayern Munich

PSG Vs Real Madrid

Osman Fantastic ayaa sameeyay saadaalin diiran isaga oo saadaaliyay in ay kooxda Real Madrid ku aadi doonto Kooxda PSG kulan si weyn loo sugi doono hadii ay sidaas dhacdo.

Sidoo kalw qaxa uu kooxda Man City u saadaaliyay kooxda Fc Porto oo ah kooxda ugu fudud ee ay dhamaan kooxaha tartanka ku hadhay rajaynayaan in ay ku aadaan.

Kooxda Chelsea ayaa dhankooda u saadaaliyay kulan ah isaga oo u saadaaliyay in ay ku aadi doonto kooxda difaacaysa tartanka ee Bayern Munich.

Ugu dambayn waxa uu saadaaliyay kulan kale oo adag isaga oo kooxda Liverpool u saadaaliyay kooxda Borussia Dortmund.

Abdiwali Adan Jamac:

Liverpool Vs Real Madrd

Man City Vs PSG

Bayern Munich Vs Fc Porto

Chelsea Vs Borussia Dortmund

Dhanka kale Abdiwali ayaa saadaaliyay kulamo u qalma in la daawado waan kulan uu u saadaaliyay in ay kooxda Man City ku aadi doonto kooxda PSG kulankaas oo xiiso gaar ah lahaan doona.

Sidoo kale kooxda Liverpool ayuu u saadaaliyay kooxda Real Madrid kulan dib u soo celin doono Final-kii champions league sanadkii 2018-kii kaas oo ay Real Madrid garaacday Liverpool.

Chelsea iyo Bayern Munich ayuu dhankooda u saadaaliyay kooxaha Dortmund iyo Fc Porto kulamada 8 dhamadka champions league.

16 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*