Ryan Giggs Oo Doortay Shaxdiisa Riyada Ee 6-a Xiddig Ah Ee Xiddigihii Uu Kaga Soo Garab Ciyaaray Man United.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Ryan Giggs ayaa doortay shaxdiisa 6-da xddig ah ee ugu fiican kana kooban xiddigihii uu kaga soo arab ciyaaray Man United.

Halyeeyga reer Wales ayaa 13 premier League kula guulaystay Man United 24 sano oo uu joogay Red Devils waxana uu haystaa caawinta ugu badan premier League isaga oo sameeyay 162 caawin.

Giggs waxa ka garab ciyaarayay David Beackham kaas oo lahaa awood cajiib oo karoos ah Man United-na ka caawiyay ku guulaysiga 9 koob.

Laakiin Giggs ayaa shaxdiisa 6-da xiddig ah ka reebay xiddigaha Gary Neville, Eric Cantona iyo xiddigo kale oo badan.

Giggis ayaa badalkooda doortay Cristiano Ronaldo Iyo Wayne Rooney oo uu u doortay in ay hogaamiyaan shaxdisia 6-da xiddig ah.

Kabtankii hore ee kooxda Man United Roy Kean iyo xiddigii hore ee xulka qaranka England Paul Scholes ayuu u doortay shaxdka dhexe halka uu daafaca u doortay Daafaca Jaap Stam iyo Goolahye Peter Schmeichel.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*