Ruben Amorim Oo Qirasho La Yaab Leh Ka Sameeyay Arsenal Kadib Guushii Brighton.

Rubén Amorim ayaa sheegay in bandhigga Manchester United ee guuldarradii ay kala kulmeen Arsenal uu ka fiicnaa kulamadii ay guusha ka gaareen Liverpool iyo Brighton.

Kooxda Red Devils ayaa 1–0 lagu garaacay garoonkooda kulankii furitaanka xilli-ciyaareedkan 2025–26, balse toddobaadyadii dambe ayay soo rogtay natiijooyinkooda.

United ayaa guuleysatay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay – iyagoo ka adkaaday Sunderland, Liverpool iyo Brighton – taasoo ay ku galeen afarta sare ee Premier League.

Ka dib guushii 4–2 ee ay ka gaareen Brighton Sabtidii, Amorim wuxuu yiri:

“Waxaan u malaynayaa in ciyaartii ugu fiicnayd ee aan xilli-ciyaareedkan ciyaarnay ay ahayd tii Arsenal, tii ugu horreysay.”

Tababaraha Manchester United ayaa intaas ku daray:

“[Laakiin] bandhiggeennu wuxuu ahaa mid dhammaystiran marka loo eego kulankii Brighton, marka la barbar dhigo kii Liverpool.”

“Waad sheegi kartaa waxaad doonto oo dhan oo ku saabsan Liverpool, laakiin ma aysan mudnayn in ay guuldarreystaan. Anagu waan mudannayn in aan guuleysanno, balse iyagu ma aysan mudnayn in ay lumiyaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga