Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa xaqiijiyay in Bruno Fernandes uu maqnaan doono “muddo” kaddib markii uu dhaawac muruqa bowdada ka soo gaaray kulankii ay guuldarada 2/1 ah kala kulmeen Aston Villa.
Fernandes ayaa dhaawacmay qabtii ee ciyaarta iyada oo ayna jirin cid la loolamaysa isla markaas gacanta saaray lugtiisa Midig.
Amorim ayaa kaddib go’aansaday inuu Fernandes beddelo inta lagu jiro nasashada, isagoo ku soo beddelay Lisandro Martinez.
“Waxaan u maleynayaa inuu yahay dhaawac muruq jilicsan sidaas darteed wuxuu qaadan doonaa waqti. Waan arki doonnaa,” ayuu Amorim u sheegay Sky Sports.
“Runtii waa arrin aad u yaab leh. Inta lagu jiro sanadkan, gaar ahaan xilligan, waxaan la kulanay dhibaatooyin badan, balse waa inaan la qabsannaa oo aan xallinnaa.”
Be the first to comment