Ruben Amorim Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Man City Iyo Uu Badalayo Pep Guardiola.

Tababaraha kooxda Sporting Ruben Amorim ayaa iska fogeeyay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in loo diyaarinayo badalka Pep Guardiola ee Manchester City.

Guardiola ayaa xoojiyey maqaamkiisa mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiicnaa kubada cagta Ingariiska tan iyo markii loo magacaabay 2016, isagoo kooxda ku hogaamiyay 18 koob oo ay ku jiraan lix koob oo Premier League ah.

Laakiin qandaraaska Guardiola ee haatan waxa uu dhacayaa xagaaga soo socda, waxaana jira hubaan la’aan ah in tababaraha reer Spain uu kordhin doono waqtigiisa quruxda badan dhamaadka xilli ciyaareedka 2024/25.

Iyadoo mustaqbalka Guardiola uu u muuqdo mid aan la go’aamin, The Guardian ayaa ku warameysa in City ay si weyn uga fiirsaneyso in ay u dhaqaaqdo tababaraha Amorim oo 39 jir ah loona arko mid ah ka mid ah tababarayaasha ugu fiican kubada cagta.

Si kastaba ha ahaatee, wareysi uu siiyay Cabine Desportiva, Amorim beeniyay wararka sheegaya in uu shaqada ka badalayo Guardiola waxana uu doonayaa in uu sii ahaado tababaraha Sporting Lisbon.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga