Tababaraha kooxda Sporting Lisbon ee Ruben Amorim ayaa daaha ka qaaday xaqiiqada ah in uu isaga tagayo kooxdiisa isla markaana uu ku biirayo horyaalka premier league.
Robin Amorin, oo 39 jir ah, ayaa lala xiriiriyay inuu tababare u noqonayo Liverpool Kadib markii uu Jurgen Klopp go’ansaday in uu yahay isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Waxaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxaha Chelsea iyo West Ham United, gaar ahaan ka dib markii Reds ay heshiis la gaartay Arne Slot si uu u hogaamiyo kooxda.
Ruben Amorim ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa Sporting Lisbon ka dib markii uu ku guuleystay horyaalka Portugal, isagoo yiri, “Waxaan sii joogi doonaa Sporting. “Heshiis ayaan ku jiraa, tani waa waqti gaar ah aniga iyo kooxda.”
Wuxuu ku daray, “Hadda waxaan isku dayi doonaa inaan ku guuleysano horyaalka seddexaad si wadajir ah.” Aan isku dayno inaan ka dhigno inay taasi dhacdo.”
Be the first to comment