Ruben Amorim Oo Heegan Buuxa Galiyay Liverpool, Mustaqbalkiisa Ayuu Ka Hadlay.

Ruben Amorim ayaa sheegay in uusan ‘dammaanad qaadi karin’ in uu wali sii ahaan doono tababaraha kooxda Sporting xilli ciyaareedka soo socda, iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa Amorim ka dhigtay bartilmaameedkooda 1-aad si ay ugu badalaan Klopp dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo tababaraha 39 jirka ah ugu cad-cad yahay in uu noqdo tababaraha Liverpool.

Amorim ayaa loo arkaa mid ka mid ah tababarayaasha da’da yar ee ugu fiican kubbada cagta Yurub, kooxdiisa Sporting ayaana fadhida hogaanka horyaalka Primeira Liga, iyadoo hal dhibic ka horaysa kooxda Benfica iyada oo 8 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedkooda.

Markii la weydiiyay haddii uu xaqiijin karo inuu weli sii ahaan doono tababaraha Sporting xilli ciyaareedka soo socda marka la eego go’aanka Alonso, Amorim ayaa u sheegay suxufiyiinta: ‘Maya, ma dammaanad qaadi karo taas”

“Sporting haatanba waxa ay ka shaqaynaysaa mustaqblka, ma go’aansan karo”.

“Waxa aan sameeyay balan-qaad Haddii aanan ku guuleysan koobab, waan ka tagi doonaa Sporting. Bilawgiiba way iska cadayd waxayna ahayd fariintii aan u gudbiyay ciyaartoyda. Waa inaan ku guuleysanaa koobab”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga