
Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim ayaa uga digay Arsenal in kooxdiisu ay diyaar u noqon doonto marka ay labada kooxood isku haleelaan furitaanka Premier League usbuuca soo socda.
Sida laga soo xigtay Amorim, Man United ayaa la soo wareegtay ciyaaryahan cusub Benjamin Sesko, kaasoo la soo bandhigay Sabtidii ka hor kulan saaxiibtinimo oo ay 1-1 la galeen Fiorentina.
Man United ayaa Old Trafford ku marti galin doonta kooxda Arsenal kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
“Waxaan diyaar u noqon doonaa Arsenal, hadda waxay noqon doontaa mid adag sababtoo ah waxaan isku dayeynaa inaan diyaarino todobaad buuxa oo tababar ah,” Amorim ayaa u sheegay MUTV ka dib markii Man United ay barbardhac la gashay Fiorentina.
“Waxaan noqon doonaa diyaar, waxaan heysanaa ciyaaryahan cusub [Sesko], marka waan arki doonaa.”.
Be the first to comment