Roy Keane Sheegay In Ayna Arsenal Ku Dhamaysan Doonin 4-ta Boos Ee Ugu Saraysa Horyaalka Premier League, Sabab

Halyeyga Manchester United ee Roy Keane ayaa su’aal galiyay fursadaha Arsenal ee ku dhamayiga 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha natiijooyinka xun ee ay Arsenal ka keentay kooxaha waaweyn ee premier League.

Gunners ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jirtay todobaadyadii ugu dambeeyay ka hor inta ayna guuldaro kala kulmin Man City bilowgii sanadka cusub.

Kooxda Mikel Arteta ayaa haatan ku jirta kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyaga oo hal dhibic ka horaysa kooxda West Ham ee ku jirta kaalinta 5-aad.

Laakiin Arsenal ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 5 kooxood ee ugu waaweyn horyaalka iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxaha chelsea, Liverpool, Man City iyo Man United.

Keane ayaana rumaysan in ay arintaas Arsenal ka hor istaagi karto in ay Kooxdu ku dhamaysato boosaska loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedka dambe.

“Kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay soo bandhigeen, way u qalmaan in la amaano, waxa ay haystaan xiddigo da’yar ah oo cajiib ah”ayuu Keane yidhi.

“Laakiin ma aaminsani in ay ku soo bixi doonaan 4-ta boos ee ugu sareeya sababta oo ah Natiijooyinka xun ee ay ka heleen kooxaha waaweyn”ayuu sii raaciyay.