Roy Keane Oo Weerar Ku Qaaday Kyle Walker, Doqon-na Ku Tilmaamay.

Roy Keane ayaa ayaa “Doqon” Ku tilmaamay daafaca kooxda Man City ee Kyle Walker kadib markii uu daafacu rikoodhe galay kulankii ay Kooxdiisu bar-baraha 1/1 ah la gashay Liverpool.

Walker ayaa khalad ku galay Sadio Mane daqiiqadii 13-aad iyada oo rikoodhe loo dhigay Liverpool Mohamed Salah-na gool u badalay rikoodhadaas.

Roy Keane oo arintaas ka hadlaya ayaa Sky Sport u sheegay”Sidee Ayuu Mane Ku Helay Rikoodhe? Sababta oo ah Doqonka Walker ayuu helay”.

“Dadku waxa ay sheegaan in uu Walker ku jiro xaalad jir ahaaneed oo fiican laakiin waxa uu u muuqdaa baabuur iska jiidhaya dadka kale”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*