Roy Keane Oo Weerar Ku Qaaday Bruno Fernandes & Hal Arin Oo Sabab U Ah.

Halyeeyga kooxda Man United ee Roy Keane ayaa weerark ku qaaday xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Bruno Fernandes.

Roy Keane ayaa bilihii ugu dambeeyay amaan ugu qubeeyay xiddiga khadka dhexe laakiin sidoo kale sheegay in uuna xiddigu qaab ciyaareed fiican soo bandhigin marka uu kooxaha waaweyn ka hor tagto.

Fernandes ayaa mar kale ku dhibaatooday kulankii ay Man United bar-baraha la gashay kooxda Liverpool isaga oo aan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Xiddiga reer Portugal ayaa ka hor tagay 11 kulan kooxaha waaweyn waxana uu ku fashilmay in uu gool dhaliyo ama uu wax caawin ah sameeyo.

“Ma ahan wax fudud in aad koobab ku guulaysato”ayuu Roy Keane yidhi.

“Fernandes waxa uu helay amaan bilihii ugu dambeeyay xitaa waxa la bar-bar dhigay Eric Cantona, laakiin Fernandes gabi ahaan ma ciyaaro marka uu ka hor tago kooxaha waaweyn”.

“Xiddigaha waaweyn waxa ay awoodooda soo bandhigaan kulamada waaweyn Cantona-na sidaas ayuu samayn jiray”ayuu yidhi.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Mar Walba Samee 5-tan Arin Hadii Aad Doonayso In Uu Gacaliyahaagu Indhihiisa Kaa Jeclaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*