Kabtankii hore ee Manchester United, Roy Keane, ayaa sheegay in Arsenal ay tahay koox ka dhammaystiran guud ahaan marka la barbardhigo Liverpool.
Isagoo ka hadlayay qaybtii ugu dambeysay ee barnaamijka The Overlap, Keane ayaa sheegay in difaaca adag ee Arsenal uu u noqon doono faa’iido tartanka horyaalka.
Arsenal ayaa hadda saddex dhibcood ku haysa hoggaanka miiska horyaalka Premier League, iyagoo ka horeeya Manchester City.
Kadib guuldarro 2-1 ah oo ay Liverpool kala kulantay Manchester United garoonkooda, kooxda ayaa hadda afar dhibcood ka hooseysa hoggaanka.
Ilaa hadda, Arsenal waxaa laga dhaliyay saddex gool oo keliya horyaalka, halka kooxda difaacanaysa horyaalka laga dhaliyay 11 gool, halka ay iyagu dhaliyeen 14 gool.
Keane ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa in dhibka ugu weyn uu yahay dhanka difaaca. Weerarka hore weli waa halis, waxay leeyihiin tayo.
“Laakiin dhanka difaaca… Bilowgii xilli-ciyaareedkan ayaan nidhi, xitaa intii lagu jiray Community Shield, waxay siinayeen kooxaha kale fursado badan, balse weli way dhalinayeen goolal.
“Hadda se goolashii waa yaraadeen, haddana weli waxay siinayaan kooxaha kale fursado badan iyo goolal badan. Taasi waa dhibka ugu weyn.”
“Arsenal waxay weerar iyo difaac u wada ciyaarayaan sidii koox mideysan, laakiin Liverpool waa koox kala daadsan.”
Be the first to comment