Roy Keane Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Kadib Bar-Barihii Liverpool & Man United.

Roy Keane ayaa saadaaliyay in ay Liverpool ku guulaysan doonto premier League xilli ciyaareedkan inkasta oo uu qirtay in ay lumiyeen gool dhalintoodii.

Kabtankii hore ee Man United ayaa daawaday kooxdiisii hore oo bar-baro ku qabatay Anfield Axadii kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa premier League.

Waxa uu ahaa kulankii 3-aad oo xidhiidh ah oo ay Liverpool ku fashilantay in ay wax gool ah dhalisay iyaga oo haatan ku jira kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier League.

Waxa intaas sii dheer in ay weeraryahanada Liverpool ku dhibaatoodeen in ay wax gool ah dhaliyaan ama ay halis weyn galiyaan Man United.

“Wali waxa ana ku adkaysanayaa Liverpool” ayuu Keane sheegay markii la waydiiyay kooxda ku guulaysan doonta premier League.

“Sida iska cad waxa ay ku jiraan wakhti adag sabab la xidhiidha sidii ay u ciyaareen sanadihii ugu dambeeyay”.

“Weeraryahanadoodo ayaa ah kuwo fiican, inkasta oo ay lumiyeen gool dhalintooda hadana waxa aan aaminsanahay in ay dib u heli doonaan”.

“Waxa aan aragnay in ay koox walba ku jirto wakhti adag xilli ciyaareedkan, waxana aan u malaynayaa in ay leeyihiin tayo ay ugu guulaysan karaan horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Mar Walba Samee 5-tan Arin Hadii Aad Doonayso In Uu Gacaliyahaagu Indhihiisa Kaa Jeclaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*