Roy Keane Oo Man United U Sheegay Halka Wado Ee Ay Ugu Guulaysan Karaan Premier League.

Halyeeyga kooxda Man United ee Roy Keane ayaa kashifay halka wado ee ay Man United ugu guulaysan karto horyaalka premeir League xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa wacdaro dhigaysa tan ilaa guuldaradii ka soo gaadhay Arsenal bishii November iyaga oo haatan hogaanka la haya kooxda Liverpool.

Man United ayaa sidoo kale hal kulan gacanta ku haysata waxana ay si buuxda hogaanka u qaban doonaan hadii ay Burnley garaacaan kulanka baaqiga ah.

Roy Keane Ayaa la waydiiyay fursadaha kooxda Mna United ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu qirtay in ay ku guulaysan karto horyaalka.

Laakiin Roy Keane ayaa hal shardi ku xidhay ku guulaysiga Man United ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu u sheegay Sky Sports” Hadii ay sii wadaan gaadhista guulaha kulamda way ku guulaysan karaan horyaalka”.

“Bilowgii xilli ciyaareedka waxa ay ku bilowdeen si xun waxana aan dusha ka saarnay dhaleecayn xoogan laakiin haatan way fiicnaadeen”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*