Roy Keane Oo Magacaabay Xiddiga Arsenal Ah Ee Uu Rajaynayay In Uu U Ciyaaro Man United Kadib Guushii Gunners.

Halyeeyga kooxda Man United ee Roy Keane ayaa qirtay in ay United la soo saxiixan lahayd xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Thomas Partey waxana uu sheegay in uu aaminsanyahay in uu xiddiga khadka dhexe Gunners la gaadhi karo guulihii uu Patrick Vieira la gaadhay.

Partey, oo Arsenal ugu soo biiray aduun dhan million 45 million maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga kagana soo biira Atletico Madrid ayaa ayaa bandhig qurux badan ka sameeyay garoonka Old Trafford iyadoo Gunners ay 1-0 ku dubatay United.

Rigooradii uu dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang qeybtii labaad ayaa xaqiijisay guusha kooxda Mikel Arteta halka uu Partey xukumay dagaalka khadka dhexe kana fiicnaa xiddigaha Man United ee Paul Pogba iyo Bruno Fernandes.

Keane ayaana la dhacay qaab ciyaareedka saxeexii ugu dambeeyay ee Gunners.

“Mid cajiib ah, waxan u malaynayaa in uu ahaa mid heer sare ah”ayuu Kene u sheegay Sk Sport markii wax laga qaydiiyay qaab ciyaareedka Partey.

“Ciyaarta ka hor waxa aan sheegay in uuna xiddigan ahayn mid yar sababta oo ah waxa uu u soo ciyaaray koox weyn waxana uu soo ciyaaray tartamo waaweyn”.

“Waan aragnay kulanka Arsenal, marka aad daawato ciyaartoy waliba si toos ah markaas ayaad qiimayn kartaa”.

“Mar walba oo aan eego waa mar walba oo aan rajaynayay in uu u ciyaari lahaa Man United”.

“Waa xiddig weyn, xoog badan, dar-dar badan sida iska cad wakhtigii aan ciyaarayay kubada waxa aan ka hor tagay Patrick Vieira, waxan aan u malaynayaa in uu wiilkan haysto fursad uu ku gaadho guulo sidii Patrick Vieira”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*