Roy Keane Oo Magacaabay Kooxda Liverpool Kula Tartami Doonta Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Halyeeyga Manchester United Roy Keane ayaa aaminsan in Red Devils ay Liverpool kula tartami karto hanashada Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Leeds United kadib 6/2 ay kaga badiyeen Old Trafford taas oo keentay in ay kaalinta 2-aad ka gasho kala saraynta premier League.

United ayaan ku guulaysan horyaalka premier League tan ilaa xilli ciyaareedkii 2012/2013 laakiin Keane ayaa rumaysan in ay Kooxdiisii hore kula tartai karto Liverpool hanashada horyaalka.

Keane oo la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa bilihii ugu dambeeyay waxa ay la kulmeen dhaleecayn xoogan gaar ahaan kulamada ay ku ciyaarto garoonkeeda”.

“Haatan waxa ay badinayaan kulamada sidaas darteed waxa ay haatan haysataa fursad ay kula tartanto kooxda Liverpool horyaalka premier League”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*