Roy Keane Oo Magacaabay Halka Xiddig Liverpool U Ciyaara Haatan Ee Boos Ka Heli Lahaa Kooxdii Man United Ee 1999.

Roy Keane Oo Magacaabay Halka Xiddig Liverpool U Ciyaara Haatan Ee Boos Ka Heli Lahaa Kooxdii Man United Ee 1999.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Roy Keane ayaa sheegay in uu daafaca dhexe ee Virgil van Dijk yahay xiddiga kaliya ee kooxda Liverpool ee haatan ku soo bixi lahaa ama boos ka heli lahaa kooxdii Man United ee 1999 ku guulaystay saddexleyda koobabka ah.

Xiddigii hore ee khadka dhexe oo 49 jir ah ayaa door muhiim ah ka qaatay kooxdii Sir Alex Ferguson ee ku guulaystay  Premier League, FA Cup & Champions League xilli ciyaareedkii 1998/1999.

Keane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Anigu waxa aan ahay taageere weyn oo Van Dijk ah, Ninku waa mishiin, sidoo kale Jaap waxa uu ahaa mishiin”.

“Xitaa waxa aan odhan karaa in uu yahay xiddiga kaliya ee ka qayb noqon kara shaxdii Man United ee 1999-kii”ayuu sii raaciyay.

 Roy Keane would only selected Virgil van Dijk from the current Liverpool team to get into the Manchester United treble winners

Sii Akhriso: Qaabka Aad U Xoojin Kartiin Jacaylkiina, Tallo Muhiim Ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*