Roy Keane & Jamie Carragher Oo Isku Raacay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga premier League Xilli Ciyaareedkan.

Halyeeyada Man United iyo Liverpool ee Roy Keane & Jamie Carragher ayaa isku raacsan in ay kooxda Man City tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Labadan Halyeey ee Man United iyo Liverpool ayaa ku jira tartanka premier League laakiin waxa ay isku raaceen in ay kooxda Man City ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka.

Kooxda Man City ayaa bar-baro la gashay kooxda Liverpool kulan Anfield ka dhacay kulan xiiso lahaa iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxda Hogaaminaysa premier League ee Chelsea.

Halyeeyga United Keane ayaa u sheegay Sky Sports”Wax walba waxay ku xidhantahay Tababarayaasha, sidoo kale rikoodhka Pep Guardiola waa mid waali ah, waxa uu garanayaa sida loo badiyo kulamada”.

“Waa koox ay adagtahay in laga badiyo, Liverpool sidoo kale waxa ay ku jirtaa tartanka sababta oo ah waxa ay haystaan gool dhaliyayaal”.

“Dhanka difaaca ma ahan mid adag, sababta oo ah 5 gool ayaa laga dhaliyay labadii kulan ee ugu dambeeyay laakiin waxa ay ku fiicanyihiin dhanka weerarka”.

“Man City waa kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka, kulankii chelsea ayaa ahaa mid weyna”ayay yidhaahdeen.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*