Rordi Oo Noqday Xiddigii Ugu Horeeyay Ee Lagu Ganaaxa Xeerka Cusub Ee Euro 2024, Muxuu Yahay Xeerkaas?

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester City iyo xulka qaranka Spain Rodri ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee lagu ganaaxo sharciga cusub ee Euro 2024.

Rodri ayaa digniin loo diray ciyaartii ay Spain 3-0 kaga badisay Croatia ka dib markii uu ku dhawaaday in uu rikoodhe ku alo xiddiga Bruno Petkovic.

Dad badan ayaa aaminsanaa in ay ahayd in loo taago kaadhka cas kadib markii uu xulka Croatia ka hor istaagay gool cadaan ahaa laakiin waxa kaliya loo taagay kaadhka digniinta ah.

Ciyaartii Talyaaniga, Rodri ayaa qaatay jaale kale dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta ka dib markii uu u dacwooday garsooraha. Sida uu dhigayo sharciga cusub ee UEFA, kabtanada kooxda kaliya ayaa loo ogol yahay inay la xiriiraan garsooraha. Kabtanka Spain waa Alvaro Morata, iyadoo Dani Carvajal uu yahay kabtan ku xigeenka.

Kaadhkii 2-aad oo digniin ah waxa uu sabab u noqday in uu Rodri seegi doono kulanka Albania ee ugu dambeeya xulka Spain ee Group-ka B.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga