Weerar-yahankii hore ee Manchester United, Wayne Rooney, ayaa dhaliilay labadda ciyaartoy ee Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk xilli Liverpool ay ku jirto hoos u dhac qaab ciyaareedkeeda.
Liverpool ayaa guuldarro la kulantay afarta kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka.
Rooney wuxuu sababta hoos u dhaca ku tilmaamay hogaami la’aan, isagoo sheegay in qaab ciyaareedka Salah uu yahay “arrin weyn oo walaac leh.”
Guuldarradii 3-2 ee ka dhacday Brentford ayaa Liverpool ka dhigtay kaalinta toddobaad ee kala sarreynta, iyadoo toddobo dhibcood ka dambeyso hogaamiyayaasha Arsenal.
“Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah, waxay saxiixeen heshiisyo cusub laakiin ma u maleynayo inay si dhab ah kooxda u hogaamiyeen xilli ciyaareedkan,” ayuu Rooney yiri.
“Waxaan u maleynayaa in luqadda jidhku ay wax badan kuu sheegayso, waxaana u maleynayaa inaan aragno luqad jidheed oo kala duwan oo ka muuqata labadooda.
“Waxay yihiin labada ciyaartoy ee ugu muhiimsan kooxda, haddii luqadda jidhkooda aysan sax ahayn, waxay saameyn ku yeelaneysaa ciyaartoyda kale oo dhan. Waxaa laga yaabaa inaan qalad ku jiro, laakiin haddii aan ahaan lahaa taageere Liverpool ama tababare, taasi waxay ahaan lahayd arrin weyn oo walaac leh.”
Be the first to comment