Ronaldo Vs Real Madrid: Cristiano Ronaldo Oo Champions League Kaga Hor Iman Kara Kooxdiisii Hore Ee Real Madrid, Sidee Ayay U Dhici Kartaa.

Waxa si Rasmi ah loo soo saaray isku aadka wareega Quarter Final-ka Iyo Semi-finalka champions League xilli ciyaareedkan kaas oo ay ka soo bexeen kulamo dab iyo naar ah.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hor iman kara kooxdiisii hore ee Real Madrid wareega Quarter Finalka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Juventus iyo Real Madrid ayaa mar hore u baahan in ay soo kala dhaafaan kooxaha Man City iyo Lyon hadii ay doonayaan in ay isku arkaan wareega Quarter Finalka tartanka champions League.

Labada kooxood ee Real Madrid iyo Juventus ayaa bilowga bisha dambe la kala ciyaari doona kooxaha Man City & Lyon si ay u dhamaystiraan wareega 16-ka tartanka.

Hadii ay Real Madrid soo dhaafto Man City oo lugtii hore 2/1 uga badisay sidoo kale Juventus soo dhaafto Lyon oo lugtii hore 1/0 ku badisay waxa ay isaga hor iman karaan wareega Quarter Finalka tartanka champions league.

Sii Akhriso: Dalka Maraykanka Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Diblomaasiyadeed Ee Dhexmaray Taiwan & Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*