, Sterling, Mbappe, Phillips, Jesus, Cavani, Ronaldo, Tielemans, Saliba & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2021/2022 kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaana haatanba bilaabay qorshohooda suuqa kala iibisga xagaaga.

Kooxaha kaal duwan ayaa haatanba bilaabi kara in ay la saxiixdaan xiddigaha ay doonayaan inkasta oo uuna wali si Rasmi ah u furmin suuqa kala iibsigu.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo bandhigi doonta wararka suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha lala xidhiidhinayo kooxdaada.

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato xiddiga garabka uga ciyaara Man City ee Raheem Sterling iyaga oo u doonaya badalka Kylian Mbappe oo iska diiday kooxda (Star).

Mbappe ayaa sheegay in uu sidoo kale wadahadalo la qaatay kooxda Liverpool ka hor intii uuna go’aansan in uu Heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG (Telegrpah).

Kooxda Man City ayaa bartilmaameedka 1-aad ka dhigatay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leeds ee Kalvin Phillips kaas oo ay u doonayso badalka Fernandinho (Mail).

Kooxda Tottenham ayaa Arsenal kaga horaysa baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Gabriel Jesus (Telegraph).

Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa xaqiijiyay in uu doonayo in uu xiddiga Cristiano Ronaldo sii joogo kooxda xilli ciyaareedka dambe (Metro).

Xiddiga kooxda Leicester City ee Youri Tielemans ayaa iska diiday in uu ku biiro Arsenal kadib fashilkii Gunners ee champions league (Telegraph).

Arsenal ayaa iska iibin doonta 9 xiddig oo ay hogaaminayaan xiddigaha Hector Bellerin Iyo Bernd Leno (Sun).

Juventus ayaa kor u qaaday dadaalada ay ku doonayso saxiixa daafaca kooxda Arsenal ee Gabriel (Mirror).

Tababaraha Kooa Napoli ee Luciano Spalletti ayaa sheegay in ayna kooxdiisu awoodin in ay iska iibiso xiddiga Kalidou Koulibaly (Star).

Kooxda chelsea ayaa ogolaatay in uu xiddiga Marcos Alonso isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa xagaaga xilli uu xiddigu haatanba la heshiiyay Barcelona (Sport).

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqi doonta saxiixa xiddiga Andreas Christensen maalmaha soo socda kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa daafaca (AS).

Kooxda Chelsea ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Adrien Rabiot (Tuttosport).

Xiddiga kooxda Monaco ee Aurelien Tchouameni ayaa doortay in uu ku biiro kooxda Real Madrid isaga oo iska diiday Liverpool (RMC Sport).

Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga William Saliba ka qayb ahaan doono qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe (RMC Sport).

Kooxda Liverpool ayaa Real Madrid wax ka waydiisay helitaanka xiddiga garabka uga ciyaara Los Blancos ee Rodrygo (El Nacional).

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca kooxda Leicester City ee Caglar Soyuncu (AS).

Kooxda Juventus ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga Edinson Cavani kaas oo ka tagay kooxda Man United (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Aston Villa ayaa wadahadalo la qaadatay Luis Suarez Iyaga oo doonaya in ay xiddiga ku soo celiyaan premier League (Mundo Deportivo).