Ronaldo, Sterling, de Jong, Rice, Alonso, Saliba, Neves, Jesus, Lewandowski & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2021/2022 kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaana haatanba bilaabay qorshohooda suuqa kala iibisga xagaaga.

Kooxaha kaal duwan ayaa haatanba bilaabi kara in ay la saxiixdaan xiddigaha ay doonayaan inkasta oo uuna wali si Rasmi ah u furmin suuqa kala iibsigu.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo bandhigi doonta wararka suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha lala xidhiidhinayo kooxdaada.

Xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice ayaa sii joogi doona West Ham inkasta oo uu xiiso waali ah ka helayo kooxda Man United (Mirror).

Xiddiga daafaca uga ciyaara Chelsea ee Marcos Alonso ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda waxana uu wadahadalo horumar leh kula jiraa kooxda Barcelona (Fabrizio Romano).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Monaco ee Aurelien Tchouameni ayaa heshiis shaqsi ah la galay kooxaha Real Madrid iyo Liverpool laakiin xiddiga ayaa doorbidaya in uu ku biiro Liverpool (Mirror).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garab uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Rafael Leao kadib fashilkii Kylian Mbappe (Marca).

Kooxda Benfica ayaa doonaysa saxiixa Goolhayaha kooxda Arsenal ee Bernd Leno (Correio da Manha).

Kooxda Fc Porto ayaa doonaysa in ay dib ula soo saxiixato xiddiga kooxda Man United ee Alex Telles (Correio da Manha).

Xiddiga William Saliba ayaa Arsenal u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda suuqa xagaaga qaab toos ahna ugu biiro kooxda Marseille (Goal).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves ee Ruben Neves oo lala xidhiidhinayo Arsenal iyo Man United ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Wolves (Athletic).

Xiddiga Man City ee Raheem Sterling oo lala xidhiidhinayo Kooxda Arsenal ayaa iska diiday Gunners kadib markii ay kooxdu u soo bixi wayday champions league (Mirror).

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa kooxdiisa ka codsaday in ay la soo saxiixdaan xiddiga kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong (Sport).

Kooxda Tottenham ayaa Arsenal kula tartami doonta saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Gabriel Jesus suuqa xagaaga (Mirror).

Wakiilka Robert Lewandowski ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga reer Poland u sheegay Bayern Munich in uu doonayo ku biirista Barcelona (Bild).

Man United ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Napoli ee Victor Osimhen iyada oo doonaysa in ay Arsenal ku garaacdo saxiixa xiddiga (La Repubblica).

Kooxda Leeds United ayaa Barcelona ka diiday dalab aad u sareeya oo ay kooxda La Liga ka ciyaarta ku doonaysay saxiixa xiddiga Raphinha (Sport).

Kooxda Real Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga Man United ee Cristiano Ronaldo kadib markii ay ku fashileen saxiixa Kylian Mbappe (AS).